Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Kheyre Oo Qaabilay Safiirada Sweden Iyo Norway

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (S.M.Network) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,mudane, Xasan Cali Kheyre, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay danjirayaasha Waddamada, Sweden iyo Norway u jooga Soomaaliya, Von Uexkull Andreas iyo Rognlie Elin Bergith.

Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Kheyre ayaa Safiirrada kala haday xoojinta xariirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, in Dowladaha Sweden iyo Norway ay ka caawiyaan dedaallada cafinta deymaha, dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Danjirayaasha, Sweden iyo Norway u fadhiya Soomaaliya ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre, in Dowladahoodu ay ka go’antahay in Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorshaha dib u soo kabahasha ee lagu xusay tubaha Qaranka.

Waxayna dhanka kale ammaaneen Safiirrada dib u habaynta ballaaran ee ay Dowladdu ku wado hannaanka Dowlad wanaagga, dhismaha hay’adaha Dowladda, dhaqaalaha iyo Ciidanka.

Sweden iyo Norway ayaa kamid ah Dowladaha dedaalka badan ku bixiyay sidii Soomaaliya ay uga soo kabsan labayd Qaran jabkii iyo burburkii gaaray ee Sanooyinka badan soo jiitamayay.

The post RW Kheyre Oo Qaabilay Safiirada Sweden Iyo Norway appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this