Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo qaabilay ilaa 8 safiir oo ka socda caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ku qaabilay Safiirada Dalalka Imaaraadka Carabta, Sweden, UK, Germany, Qadar, Suudaan, Masar, iyo safiirka Midowga Yurub.

Kulamada uu madaxweynaha Puntland la qaatay Safiirada dalalka saxiibka dhow la ah Soomaaliya ayaa u jeedkiisu ahaa hambalyo iyo bogaadin ku aadan guushii doorashada Puntland, isbarasho guud iyo dar-dargalinta wada-shaqaynta Puntland iyo beesha caalamka,sid lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha Puntland oo ka duulaya kalsoonida uu ka haysto bisaylka siyaasadeed ee Puntland ka jira uu safiirada dowladdaha Caalamka u soo bandhigay qorshihiisa hogaamineed ee beesha caalamka, isla’markaana uu dhan walba ka tusay Safiirada in Puntland ay u jiheysatey horumarinta kaabeyaasheeda dhaqaale, mid maalgashi iyo wanaajinta xidhiidhka beesha caalamka iyo Puntland.

Safiirada dalalka Imaaraadka, Sweden, UK, Germany, Qadar, Suudaan, Masar, iyo Midawga Yurub ayaa qayb ka ahaa wufuuddii caalamiga ahayd ee kasoo qayb-gashey caleema-saarka madaxda cusub ee Puntland.

Ugu danbeyn, madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadnaqay Safiirada iyo diblamaasiyiinta wehelinayseyba booqashada iyo hambalyada ay ugu yimaadeen, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in uu kordhin doono wadashaqaynta Puntland iyo Beesha caalamka.

FB_IMG_1548936732326.jpg?resize=720%2C40 FB_IMG_1548936720987.jpg?resize=720%2C40 FB_IMG_1548936695958.jpg?resize=720%2C40 FB_IMG_1548936727587.jpg?resize=720%2C47 FB_IMG_1548936700402.jpg?resize=720%2C47 FB_IMG_1548936710740.jpg?resize=720%2C47 FB_IMG_1548936706044.jpg?resize=720%2C44 FB_IMG_1548936689580.jpg?resize=720%2C41

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo qaabilay ilaa 8 safiir oo ka socda caalamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this