Deeq A. Posted January 25, 2019 Kampala (Sh. M. Network) – Dowlada Uganda ayaa 13 kamid ah saraakiisha Booliska dalkaas waxay usoo direysaa Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan howlgalka AMISOM. Agaasimaha guud ee dhanka howlgalada Booliska Yugandha, Mr Grace oo la hadlay saraakiisha kahor soo bixitaankooda ayaa kula dar-daarmay hufnaan shaqo. Mr Grace ayaa ku tartarsiiyay saraakiisha inay ku koobnaadaan waajibaadkooda oo ah nabad illaalin, ayna ku dhex-milmin siyaasda. Uganda oo kamid ah dowladaha howlgalka AMISOM ku leh ciidamada ugu badan ayaa ayaa bilowday inay Boolis usoo dirto wadanka sanadkii 2012-kii. The post Uganda oo la dardaarantay ciidamo ay u soo direyso Somalia appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites