Deeq A. Posted January 24, 2019 Garoowe ( Sh. M. Network )-Xilli 26 bishan oo ku beegan maalinta Sabtida magaalada Garoowe lagu qaban doono munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa maanta waxaa gaaray magaaladaasi wafuud kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Ugu horreyn garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Haamaan ee magaalada Garoowe waxaa ka dagay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi, waxaana soo dhaweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/xakiin Dhoobo Daareed. Sidoo kale wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiirada waxbrashada iyo dastuurka ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa si wanaagsan ugu soo dhaweeyay Garoowe guddoonka Aqalka Sare, isaga oo u sheegay in Gurigiisa uu yimid. Cabdi Xaashi C/laahi ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta, dhinaca kale waxa uu boggaadiyay doorashadii dhawaan ka dhacday Puntland iyo hanaanka loo wajahay. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Garoowe ay gaaraan xubno sar sare oo ka mid ah dowladda Soomaaliya iyo madaxdii hore ee dalka, sida Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Caleema Saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayaa ka duwan kuwii horay dalka loogu qaban jiray, maadaama munaasabadaasi ay ku kulmi doonaan mas’uuliyiin si fog ugu kala aragti duwan siyaasadda Soomaaliya. The post Wafdi ka socda DFS Oo gaaray Magaalada Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites