Deeq A. Posted January 24, 2019 Kismaayo ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta G/Jubbada Hoose. Dagaalkan ayaa yimid kaidb markii ay isku dhaceen Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo howlgal ka waday halkaasi iy Dagaalyahannada Al Shabaab. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, inkastoo aan si dhab ah loo cadeyn karin inta uu la’egyahay. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo la xariira dagaallkaasi. Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa in dhawaanahan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. The post Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Jubbada Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites