Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Diiwaan-gelineysa Madarasadaha Quraanka, Una Samaynaysa Manhaj Isku Mid Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa bilowday hawlgallo ay ku diiwaangelinayso madarasadaha Quraanka, isla markaana loogu samaynayo manhaj isku mid ah.

Arrintan ayaa la sheegay in lagu doonayo in la helo macallimiin tababaran, ardaydana looga ilaaliyo inay ku faafaan afkaar aan habboonayn.

Shir maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta madarasadaha, culimada qaarkood, masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa iyo masuuliyiinta ciidamada Booliiska, ayaa arrintaasi laga shaaciyay, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this