Deeq A. Posted January 23, 2019 Jigjiga ( Sh. M. Network )-Golaha wasiirada xukuumadda Itoobiya ayaa maanta kulan ka yeelanaya xaaladda siyaasadeed ee ka jirta ismaamulka Soomaalida ee dalkaasi. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xiisada siyaasadeed ee haatan ka aloolsan magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Xiisada ayaa salka ku heysa arrimo la xariira maamulka , taas oo la sheegay in ay dhexeyso wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo Madaxweyne Mustafe Cagjar. Labada mas’uul ayaa isku qabtay in maamulka haatan jira lagu soo daro xubno la shaqeyn jiray Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, taas oo uu ka biyo diiday Cagjar. Xukuumadda federaalka Itoobiya ayaa wada qorshe looga hortagayo xiisadaasi, iyadoona shalay labo jeer M/ Addis Ababa ugu yeertay Madaxweyanaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar, si su’aalo looga weydiiyo arrimahaasi. The post Xukuumadda Itoobiya Oo kulan ka yeelaneysa xaaladda Jigiga appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites