Deeq A. Posted January 22, 2019 Ciidamada ammaanka ee magaalada Jowhar ayaa howlgal 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka sameeyeen magaaladaasi waxa ay ku xireen in ka badan 10 qof oo ganacsato ah. Ganacsatadan la xirey ayaa lagu eedeeyey iney lacago siiyaan Al-shabaab, iyadoo ammarka xariggooda la sheegay inuu bixiyey maamulka Sh/dhexe. Sidoo kale ciidamada ayaa raadinaya ganacsato kale oo bil walba lacag lagu sheegay Canshuur u geeya Xarakada Al-shabaab. Cabsi weyn ayaa xilligan soo wajahday ganacsatada ku dhaqan magaalada Jowhar, iyadoo maamulka Gobolka Sh/dhexe weli aanu arrintaasi ka hadal. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites