Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha BFS Oo la kulmay Waxgaradka K/ Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad Ee Barlamaanka Cabdi wali Sheekh Ibraahim muudeey Ayaa Kulan Is Xog-wareysi Ah La Qaatay Odayaasha Dhaqanka KG kuwaasi oo Laf dhabar u ah Hogaanka Bulshada Koonfur-galbeed,

Gudoomiyaha Ayaa Warbixinno La Xiriirta Xaaladaha Koonfur-galbeed Ka Dhageystay Qaar Kamid ah Odayaasha Iyaga Oo Ka Hadlay Arimahii Ka Dhacay Koonfur-galbeed Maadaama Ay Yihiin Dadkii Qeyb Lexaad Leh Ka Qaatay Dhismihii Maamuladii Soo maray Koonfur-galbeed,

Odayaasha Ayaa Soo Jeediyay In Ay Diyaar u Yihiin Nabadeenta iyo Garab Istaagga Maamulka Koonfur-galbeed Hogaanka Cusub Ee Uu Yeeshay Maadaama Ay Filaayaan Inuu Wax Badan Oo Horumar ah uu Gaarsiinayo Shacabka KG soomaaliya,

Odayaasha Waxay Qireen in Wixii Dhibaata ah Ee Ka Dhacay Koonfur-galbeed Shacabka Ay Ka Gudbeen Ayna Diyaar u Yihiin Xal waliba inay Ka Qeyb qaataan

Intaas Ka Dib Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa Odayaasha Dhaqanka Kala Hadlay Arimihii Ay Soo Jeediyeen Waxaana Uu U Jeediyay In Si Deg Deg ah Ay u xalindoonaan Dhamaan Howlaha Wax Ka Qabashada U Baahan,

“Waxaan Si Gaar ah U Dhinac Istaagi Doonaa Dadka Tabashooyinka Qaba Iyo Dhamaan Dhinacyada U baahan Inay Nala Shaqeeyaan Si Daawa Loo Helo Waa In Marka Hore Wixii Dhibka Keenay Aan Ka Bilownaa ,

Gudoomiyaha Ayaa Intaasi sii Raaciyay ” Waxaa Jiri doona Kulamo Joogta ah Oo Wada Tashi Ku Saabsan Oo aan La yeelan doono sidoo Kalena Laga Warqabi Doono Odayaasha Dhaqanka ,

Sidoo Kale Wuxuu Gudoomiyuhu Qiray Sida Lagama Maarmaanka Ay U tahay Dhinaca Amniga Oo Uu Sheegay In shacabka Looga baahanyahay in deeganadooda Ay Nabadeeyaan,

“Runtii Waxaa Muhiim Ah Talada Ku Saabsan Amniga inaan Idinku Garab siino Waana Muhiimadda Koobaad Ee Dhismaha Dawladnimada Shacabka Iyo Maamulkan KG Ay Inay Wada Shaqeeyaan ,

Ugu Dambeyn Gudoomiyaha Ayaa Odayaasha Dhaqanka U Balanqaaday Inay Gaar ahaan Iyo Guud ahaanba Ay Heli Doonaan Garab Istaag Odayaasha dhaqanka

” Mar waliba Waa In La xusuusnaadaa Inaad Tihiin tiirarkii Dawladnimadda Runtii Waana La idin baahanyahay Waa In la idinka warqabaa Anagoo Ah Madaxdii Fedraalkana Waan Ka Shaqeen Doonaa Inaan Xuquuqdiina Heshaan,

“Ayuu Hadalkiisa Kusoo Gabagabeeyay Gudoomiyaha Barlamaanka Mudane Maxamed mursal Sheekh Cabdiraxmaam,

The post Guddoomiyaha BFS Oo la kulmay Waxgaradka K/ Galbeed appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this