Deeq A. Posted January 19, 2019 Boosaaso( Sh. M. Network )-Laamaha ammaanka ee Puntland ayaa soo bandhigay qaraxyo ay ku qabteen gudaha suuqa weyn M/ Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Ciidamada amniga ayaa sheegay in ay fashiyeen isku day lagu doonayay in lagu dhibaateeyo, sida ay tilmaameen shacabka ku ganacsada suuqaasi. Guddoomiyaha degmada Boosaaso C/salaan Bashiir C/salaan oo ku sugnaa goobta ay Ciidamadu ku soo bandhigayeen qaraxyadaasi ayaa sheegay in ay baari doonaan shaqsiyaadka ku lugta lahaa falkaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Ciidamadu ay heegan ugu jiraan ilaalinta amniga shacabka Boosaaso. Lama oga cida ku lugta leh walxahan qarxa, balse Al Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan sheegta falalka noocaan oo kala ah ee ka dhaca deegaanada Puntland. The post Ciidamada Puntland Oo qaraxyo ku qabtay magaalada Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites