Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogtii ugu dambeysay ee laga helayo weerarkii Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ku dhowaad 47 qof ay ku dishay weerarkii Hoteelka ku yaala magaalada Nairobi ee Kenya.

Warbaahinta maxaliga ayaa dhankeeda ku waramaysa in Shan ruux la xaqiijiyay inay illaa iyo haatan ku dhinteen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in guud ahaan meesha ay wax ka dhaceen ay la wareegeen ciidamada amniga.

Ma uusan bixin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaabka wax udhaceen iyo khasaaraha guud ee dhashay.

Isbitaalada magaalada ayaa dalbaday gurmad Dhiig ah, maadaama ay buux-dhaafiyeen dad badan oo waxyeelo ay soo gaartay.

The post Xogtii ugu dambeysay ee laga helayo weerarkii Nairobi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this