Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha G/Shacabka Oo ku wajahan Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta G/ Baay.

Guddoomiye Mursal ayaa lagu wadaa in saacdaha soo socdo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay gaaraan gudaha magaaladaasi.

Xubnahani ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo beri ka dhaceysa halkaasi.

Ammaanka ayaa lagu soo warramayaa in aad loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaasi.

Sidoo kale Ciidamada amniga ayaa xalay howlgallo ka sameeyay magaalada, kuwaas oo lagu soo qabqabtay in ka badan 10 ruux, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa saaka ah mid dagan, iyadoona diyaar garow xoogan loogu jiro qaban qaabada xafladda caleema saarka Madaxweyne Lafta Gareen.

The post Guddoomiyaha G/Shacabka Oo ku wajahan Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this