Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Oo Beeniyay eedeyn loo jeediyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha G/ Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay in uu qeyb ka yahay hurinta dagaal Beeleedyo dhawaan ka dhacay degmada Maxaas ee gobolkaasi.

Yuusuf Dabageed ayaa hoosta ka xariiqay in eedeymahaasi ay maamulkiisa u jeediyeen dad dano gaar ah ka leh colaada ka taagan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa ka hadlay meesha ay marayaan dadaallada nabadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadahaasi.

Waxaana uu ugu baaqay Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta matala Beelaha dagaalamaya in ay ka run sheegaan dadaallada nabadeed ee haatan socda.

Xaaladda deegaanada dhawaan lagu dagaalamay ayaa ah mid dagan, inkastoo weli xal dhab ah laga gaarin colaadaasi.

The post Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Oo Beeniyay eedeyn loo jeediyay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this