Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalalka Somalia deriska la ah oo kalluumeysi sharci daro ah ka wada badeena

Recommended Posts

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiib sharci daro ah ay ka kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya.

Cabdullaahi Bidhaan Warsame, wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyraadka badda xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta ka kaluumeysto xeebaha Soomaaliya ay qaarkood ka socdaan dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Wasiir Bidhaan, ayaa sheegay in maraakiibtaasi aysan heysan sharci ay kaga kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in arintaasi ay saameyn weyn ku yeelan doonto kaluumeysatada Soomaalida.

Inka badan 300 maraakiib ayuu sheegay inay si sharci daro ah kaga kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in maraakiibtaasi aan loogu dulqaadan doonin howlaha ay ka wadaan xeebaha.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in hadal heyn badan ay ka dhalatay ruqsad ay siiyaan maraakiib laga leeyahay dalka Shiinaha, kuwaasi oo uu sheegay inay heystaan fursad ay kaga kaluumeysan karaan xeebaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this