Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Dalbaday In Beesha Caalamku Dhex Gasho Muranka Doorashooyinka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargaysa)xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay heshiis ku saabsan qabsoomida doorashada goleyaasha deegaanada iyo wakiilada oo ay wada gaadheen xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid.

2D22B531-1F4D-4509-A881-D8340B911562.png

Siyaasi Cali Cantar oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa ganafka ku dhuftay heshiiska ay wada gaadheen Ucid iyo Kulmiye isaga oo xusay inaanu ahayn mid khuseeya xisbigooda waxaanu yidhi “Doorashada maanta taagan ee ay leeyihiin komishanka waxaanu ku daraynaa laba qof, labada qofna anagu miyaanu doonaynaa, Ina Cali Waraabe hawgu daraan, anagu sadex sadex qof oo siman ayaanu doonaynaa hadaanu wadani nahay, mawqifkayagana waanu cadaynay oo waa biyo kama dhibcaan.”ayuu yidhi siyaasi Cali Cantar oo u waramay saabtv.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaan xisbiga Waddani marna aqbalayn in komishanka hada joogaa ay qabtaan doorasho waxaanu yidhi “Nimankan uu xaga dambe ku haysto Muuse Biixi ee uu leeyahay waxay ii ahaanayaan komishan anagu raali kama nihin, iyaguna haddii ay yihiin dad xor iyo xalaal ah oo hay’ad jirta ay yihiin hays difaacaan oo maalin kaliya ha sheegaan wixii aanu ku eedaynay, mana sheegi karaan runtii, waana cay hadii la yidhaa kuwaasi markale ayey wax dib wax u qabanayaan, haddii uu Muuse haysto oo uu leeyahay guul ayey ii dhaliyeen anagu waxaanu leenahay mar kale guul kuu dhalin maayaan.”
Cali Cantar oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Qoraalkaas ay soo saareen anagu kuma jirno, haday laba ku darsanayaan iyo haday tobanku darsanayaan kuma jirno, anaga waxa muhiimada koowaad noo ah in komishankani meesha ka dhaqaaqo.”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay ergooyinka dhex dhexaadinayey xisbiyada waxaanu yidhi “Sonsaf iyo qolooyin yaryar oo kale intay isku soo ururiyeen oo ay ku soo dareen ergadii iyo madaxweyne ku xigeenadii hore ayey leeyihiin kolba sidaas soo dhaha, anaguna kuma kalsoonin.”

Siyaasi Cali Cantar ayaa sheegay in xisbiga Waddani uu dalbanayo in ergo ajaanib ah ay dhex dhexaadin bilaabaan waxaanu yidhi “Haddii cid ajanabi ahi na dhex dhexaadinayso salaama calaykum haddii kalana haka tanaasulaan arintaas, Muuse-na waxa uu doonayaa inuu 15 sanadood meesha haysto yaan been layskugu sheekayn, doorasho dambe inay dhacdana uma muuqato waayo ifafaalaheeda ayaa muuqda.”

Ugu dambayn Siyaasi Cali Cantar waxa uu eedayn culus u jeediyey gudoomiyaha xisbiga Ucid, waxaanu yidhi “Ninkan Ucid waa nin iska duul duul badan lamana odhan karo waa gudoomiye, mar kastana waxa uu dhinac taagan yahay dawladii timaada, laba cisho hadii uu kula socdo maalinta sadexaad waa nin kale, waa jirjiroole boqol wajiile ah, mana aha qof lagu kalsoonaan karo oo qof qaran noqon kara, waa qof dabayl ah oo marba dhinac kaaga imanaysa, mar nacas ayaad moodaysaa, mar fariid wax yar kala garanaya ayaad moodaysaa, mar nin weynbaad moodaysa, mar caruur ayaad moodaysaa mana aha nin isku mid ah oo noloshiisu degan tahay.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this