Sign in to follow this  
Deeq A.

QM Oo dhismaha waddooyinka ka taageereyso G/ Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qorashahan oo lagu dhisayo 19 Waddo oo ka mid ah Jid-Cadayaasha dhex mara xaafadaha M/ Muqdisho ayaa waxaa maamulka gobolka Banaadir ka gacan siinayo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan howlaha guud.

Duqa Muqdiso Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ku qaabilay xafiiskiisa madaxa hay’adda howlaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay ka go’an tahay maamulkiisa horumarinta magaalada Caasimadda ee Muqdisho.

Sidoo kale guddoomiye Yariisow ayaa xusay in qorshahani lagu dhisayo Waddooyinkaasi laga hir gelin doono illaa 7 degmo oo ka tirsan gobolkan Banaadir.

Maalmihii dambe maamulka G/Banaadir ayaa waday qorshayaal  lagu horumarinayo magaalada Muqdisho, si dib loogu soo celiyo bilicdii ay lahaan jirtay Caasimadda.

The post QM Oo dhismaha waddooyinka ka taageereyso G/ Banaadir appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this