Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabar Soomaali ah Oo lagu la’aa Mareykanka Oo la helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Columbus  ( Sh. M. Network )-Gabadhani Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Abiir Macalin oo aheyd Arday wax ka baranaysay koleej ku yaalla magaalada Columbus gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa dib loo helay,  sida ay sheegeen Booliska dalkaasi.

Ardayadani Soomaaliyeed oo baraneysay cilmiga Kalkaalisnimada ayaa la sheegay in ay ka tagtay kaligeeed Maqaayad ay ku suganeyd Hooyadeed, taas oo ku taalla magaalada Minneapolis , sidaasina lagu waayay.

Booliska ayaa maalmo kadib baahiyay magaca iyo sawirarda gabadhani, si loogu soo gacan galiyo.

Qaar ka mid ah saraakiisha Boolisku waxa ay sheegeen in ay rumaysan yihiin in gabadhani ay qorshayneysay ku biiritaanka kooxda Daacish oo inta badan qorata dhalinyarada reer galbeedka.

Sidoo kale Booliska ayaa tilmaamay in ay wadaan baaritaano ku aadan qorshaha iyo sababta ay gabadhani uga dhuumatay Qoyskeeda , xilli ay safar ahaayeen.

14-ka bishani Janaayo ayaa lagu wadaa in gabadhani Soomaaliyeed ay dib ugu laabato Iskuukeedii, si ay usii wadato wabarashadeeda.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo Booliska Mareykanku muwaadin Soomaaliyeed ku eedeeyo qorsheynta ka mid noqoshaqashada kooxda Daacish oo inta badan sheegata weerarada ka dhaca dalalka caalamka.

The post Gabar Soomaali ah Oo lagu la’aa Mareykanka Oo la helay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this