Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari Rakaab siday Oo lagu rasaaseeyay Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Mahadaay ( Sh. M. Network )-Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in maanta agagaarka degmada Mahadaay ee gobolkaasi lagu rasaaseeyay Gaari ay la socdeen dad shacab ah.

Gaarigan oo ka baxay Mahadaay, kuna sii jeeday halka loo yaqaano afarta Tuulo ayaa waxaa la sheegay in dhexda ay u galeen, kuna rasaaseeyeen kooxo burcad ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkaasi ku dhaawacmay i illaa 2 Qof oo kala ahaa Wadihii Gaariga iyo Kirishboygiisa.

Ilo dadka deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in sidoo kale kooxdaasi burcada ah ay dhac baahsan u geysteen Rakaabkii la socday Gaarigaasi, kana furteen dhammaan waxyaabihii ay siteen dadkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray walaac ka taagnaa ammaanka waddooyinka xiriiriya deegaano iyo degmooyin dhaca gobolka Sh/ Dhexe.

The post Gaari Rakaab siday Oo lagu rasaaseeyay Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this