Sign in to follow this  
Deeq A.

Maareeye “Waxaan kordhineynaa badeecadaha laga dhoofiyo dalka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in sanadkan cusub ee 2019-ka wasaaraddu ay qaban doonto shaqada ugu ballaaran ee dhoofinta badeecadaha dalka.

Wasiir Maareeye ayaa xusay in badeecadaha dibadda uga yimaada Soomaaliya la yaren doono, islamarkaana sare loo qaadi doono wax soo saarkadibadda loo dhoofiyo.

Sidoo kale wasiirka ganacsiga iyo warshadaha XFS ayaa ugu baaqay ganasatada in ay maal-gashadaan dalkooda, ugana faa’iideeyaan dadkooda Soomaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday qorshayaal kala duwan oo lagu horumarinayo dhinaca maalgashiga iyo dib u dhiska dalka.

The post Maareeye “Waxaan kordhineynaa badeecadaha laga dhoofiyo dalka” appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this