Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo Garoowe u diiday mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa ku wargelisay xubno ka socday xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Garoowe ku soo wajahnaa in aysan ka soo duuli karin garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay mudda saacado ah ku xayiran yihiin.

Dadaallo ay sameeyeen qaar kamid ah isimada Puntland oo lagu doonayay in mas’uuliyiinta loo ogolaado ayaa fashil ku dhammaaday.

Go’aankan mamnuucista ayaa ku kooban Golaha xukuumadda Federaalka iyo shaqaalaha Villa Somalia,hase yeeshee kuma jiraan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.

Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya haatan ku sugan magaalada Garoowe oo ay maalmihii la soo dhaafay soo gaareen,kuwaasoo u yimid arrimaha doorashada.

Wixii ka kordha kala soco: Puntland Post

The post Dowladda Puntland oo Garoowe u diiday mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this