Deeq A. Posted January 2, 2019 Dowladda Kenya ayaa sheegtay in howlgallo ay ka fuliyeen deegaanno ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab. PM Njuguna oo ah afhayeen u hadlay ciidanka difaaca dalka Kenya ayaa jariiradda Daily Nation u sheegay in howlgalkaasi uu ka dhacay deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose. Wuxuu sheegay Afhayeenka in halkaasi ku dileen 7 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab sidoo kalena kusoo qabsadeen hub badan. Hubka ay soo qabsadeen ayuu ku kala sheegay 9 qori oo AK-47, rasaas badan iyo Bambooyin. Dhankooda ayuu sheegay iney uga dhaawacmeen oo kaliya Labo askari, howlgalkana uu ahaa mid qorsheysan. Ugu dambeyn, Afhayeenkan u hadlay ciidanka difaaca Kenya ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan weerada ay ku qaadayaan Al-shabaab. Dhanka Xarakada Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin wararkan sheegaya in laga dilay dagaallamayaal lagana qabsaday hubkaasi. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites