Deeq A. Posted January 2, 2019 Burco ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay duleedka bari degmada Burco ee gobolka Togdheer. Shilkan ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen Gaari Booyad ah iyo mid Hoomey ah oo ay saarnaayeen dad Rakaab ah. Ugu yaraan illaa 8 Qof ayaa ku dhintay shilkaasi, halka ay dhaawacmeen labo kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhaawacyada 2 ruux oo mid ka mid ah laga deyrinayo xaaladdiisa caafimaad ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaallada magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Burco oo ku aadan shilkaasi. Inta badan shilal khasaaro geysta ayaa ka dhaca gobolka Togdheer, kuwaas oo loo sababeeyo burburka waddooyinka iyo darawallada oo si xawli u kaxeeya Gaadiidka, xilliyada ay ku socdaalayaan gudaha gobolkaasi. The post Shil khasaaro geystay Oo ka dhacay duleekda Burco appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites