Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda amniga Oo war ka soo saartay weerarkii Xalane

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda amniga XFS ayaa goordhow war ka soo saartay weerarkii Madaafiicda ahaa ee shalay lagu qaaday xarunta Xalane ee M/Muqisho.

Warka ka soo baxay wasaaradda amniga ayaa ugu horreyn lagu sheegay in ay aad uga xun tahay, islamarkaana ay cambaarayneyso dhacdadaasi.

Sidoo kale waxa ay shaacisay in ay caafimaad  deg deg ah u rajeynayso shaqaalihii Qaramada Midoobay ee ku dhaawacmay weerarkaasi.

Ugu dambeyn wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa tilmaamtay in ay baaritaan ku heyso dadkii ka dambeeyay Hoobiyeyaashaasi.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan oo uu khasaare ka soo gaaray shaqaale ka tirsan QM oo xilligaasi ku sugnaa xarunta xalane ee M/ Muqdisho.

Halkan hoose ka Akhriso:-

49414068_2230500443831975_41022314460458

The post Wasaaradda amniga Oo war ka soo saartay weerarkii Xalane appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this