Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr. Cali Ciise – Kaarkii ugu dambeeyey oo ay beesha DHULBAHANTE xoqato

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa si weyn isha loogu hayaa doorashada ka dhaceysa Puntland, 8-da bisha Janaayo 2019.

Waxaa ku loollamaya musharixiin gaaraya 30, haddii aysan ka badneyd, balse wali ma cadda murashaxa ugu cad cad xilka belidda Cabdiweli Cali Gaas.

Hase ahaatee, 48-dii saacadood ee la soo dhaafay waxaa gebi’ahaanba la wareegay ol’olaha ka socda Puntland murashax Dr. Cali Ciise Cabdi.

Maxaa sabab u ah?

Waa su’aal is weydiin mudan waxa 72 saacaood oo uu joogo Garoowe oo ay uga soo horreeyeen musharixiin ku sugnaa xarunta Puntland dhawr bilood in uu sidaas oo dhan u qariyo ama uga saameyn bato.

Waa sax, waxaa jiri kara in dadka qaar ay ku xaman karaan ama ay jirto in Nabad iyo Nolol kaalin ku leedahay, laakiin taas ma aha MARMARSIIYO, waayo, waxaa la ogyahay oo jira kuwo kale oo ay dowladda dhexe wadato sida lagu tuhmayo, waxaana ka mid ah; Cali Xaaji Warsame, Jabiye, Faarax Cali Shire, Moorgan iyo Saadaq Eenow!

Hadaba, maxaa ku gaar ah Dr. Cali Ciise Cabdi?

Waa jawaab sahlan! Dr. Cali Ciise Cabdi waa Sool clan, kaas oo noqon doonaya siyaasigii ugu tunka weynaa ama ugu saameynta badnaa oo Sool clan ah oo isu soo sharaxaya xilka Madaxweyne.

Ma aha in uu yahay musharixii ugu horreeyey oo reer Sool ah oo xilkaa u hanqal taaga, waayo? Hadda waxaa barbar socda laba musharax oo kale oo sidiisa oo kale doonaya xilkaas, laakiin maxay tahay baaruudda uu dheer yahay?

Dr. Cali Ciise Cabdi waxaa ku gaar ah in uu yahay siyaasiga qura ee haysta kalsoonida beesha uu ka soo jeedo oo uu ku kasbaday dhisiddii Khaatumo State iyo waliba go’aankii dambe ee uu Cali Khaliif Galaydh ugu khilaafay in lagu biro Somaliland oo uu ugu dambayn Galaydh ka dhabeeyey!

Sidoo kale, Dr. Cali Ciise Cabdi waxa uu halgan dheer u galay sidii uu gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ugu sameyn lahaa maamul ka madax bannaan Somaliland iyo Puntland, walow uu mar walba Garoowe u arkayey meel ay Sool clan wax ka dhisteen oo haddii xorreynta Sool la xaqiijiyo laga wada hadli karo masiirka Khaatumo iyo Puntland.

Taas oo ay jirto, is sharaxaadiisa kaddib, Sool clan oo dhan si weyn ayey isu garab taageen oo waxaa ka go’an in uu xilkaas qabto.

Sool clan oo xoqonaya kaarkii ugu dambeeyey ee Hartism?

Ma dhicin inta taariikhda la xusuusto Sool clan isku raacay hal siyaasi, is sharaxaadda Cali Ciise Cabdi waxa ay si xooggan u mideysay Sool clan oo doonaya ugu dambeyn in ay Laascaanood dib ugu soo celiyaan gacantooda iyo Puntland.

Hore waxa ay tabasho ka qabeyn beesha Maxamuud Saleebaan ama Majeerteen oo ay ka dareemeen in aysan daacad ka ahayn xorreynta gobolka Sool.

Taas oo jirta, Sool clan waxaa la hubaa in hadda 90% ay la socdaan ama ugu yaraan ay garowsiyo u hayaan Somaliland, haddii ay Puntland dooran weyso siyaasigoodii ugu weynaa oo ku soo dhiiraday in ay 10% hartayna si rasmi ah uga siiban doonaan Puntland.

Waxaa xaqiiqo ah, in Dr. Cali Ciise Cabdi yahay kaarkii ugu dambeeyey ee Sool clan ay Puntland ka xoqdaan!

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this