Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada sare ee Somalia oo ku raad joogta qareenno laaluush qaatay (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxmakada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa kullan lagu dhaarinayay garsooyaal uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi ka sheegay in ay jiraan qareeno qaata laaluush.

Guddoomiye Baashe waxaa uu si weyn uga hadlay arrimaha musuq maasuqa, waxaana uu sheegay inay jiraan qareeno qaata laaluush, kuwaas  oo dagaal lagula jiro sidii banaanka loo soo dhigi lahaa.

“Waxaan heynaa cadeymo aad u badan kuwaas oo ku aadan dhanka Musuq maasuqa. waxaa jiro qareeno qaata laaluush balse waxaa jiro baaritaano joogto ah oo aan dadkaas ku heyno, musuqa waxaan kula jirnaa dagaal aad u balaaran.”

Gudoomiyaha Maxmakada sare eedalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa ugu dambeyntiina waxa uu u digay dadka u dacwooda shabaab oo sheegay in cadaalada ay soo taagi doonaan.

Dhinaca kale, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka waxaa uu digniin u daray dadka looga guuleystay dacwadaha ay maxkamadaha dalka qaadaan kuwaas oo u taga Maleeshiyaadka Al-Shabaab si ay u cabsiiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/maxkamadaaaaa.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this