Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Oo la geeyay Kaxandhaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku warramaya in maanta Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad la geeyay deegaanka Kaxandhaale ee gobolkaasi.

Ciidamadani ayaa kala dhexgalay Labo Maleeshiyo oo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamay dagaalkaasi.

Dagaalkii ugu dambeeyay oo dhacay shalay ayaa waxaa ku dhintay illaa 10 Ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Xaaladda ayaa haatan dagan, iyadoona ay socdaan dadaallo nabadeed oo ay wadaan  waxgaradka deegaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

The post Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Oo la geeyay Kaxandhaale appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this