Deeq A. Posted December 27, 2018 (SLT-Muqdisho)-Itoobiya & Ereteriya La Wareegaya Ammaanka Somalia Wargeyska The Indian Ocean Newsletter, ee hoos taga shirkadda warbixinada sirta ah ee Africa Intelligence ayaa qoray in ciidamo ka socda dalalka Eritrea iyo Ethiopia ay beddeli doonaan marka ay ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya sanadka 2021. Wargeysku waxa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Ereteriya Dr Abiy iyo Afewerki ay diyaar u yihiin in ay ciidamo u diraan Soomaaliya maaddaama aanay ciidamada Soomaaliya la wareegi Karin ammaanka. The Indian Ocean ayaa qoray in Eritrea ay durtaba 5,000 oo askari u diri doonto Soomaaliya marka ay ciidamada Amisom billaabaan bixitaankooda. “Ciidamada Eritrea waxay tagi doonaan Muqdisho, iyaga oo sugi doonaa ammaanka xarumaha dowladda, garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho” ayaa lagu yidhi warbixinta The Indian Ocean. Ciidamada Ethiopia ayaa iyagana la wareegi doona ammaanka qeybaha kale ee guud ahaan dalka Soomaaliya, oo hadda meelo badan oo ka mid ah ay joogaan iyaga oo qeyb ka ah ciidamada Amisom. Source Share this post Link to post Share on other sites