Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka DFS Oo howlgallo ka wada waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa howl-gallo lagu xaqiininayo ammaanka ka wada Waddada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba.

Taliyaha Ururka 35-aad Guutadda 7-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Korneyl; Maxamed Caraaye “Foofoo” ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howl-galkaasi uu ku wajahnaa la dagaallanka Al-Shabaab iyo sifeynta Kooxo Burcad ah oo dhibaateeya Dadka Waddada ku safraya , iyaga oo kulabisan direyska Ciidanka.

Dadka Shacabka ah ee ku nool degaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Baydhaba ayuu sheegay Taliyuhu in ay la leeyihiin xiriir wanaagsan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan la leennahay xiriir aad iyo aad u wanaagsan, sida aad la socoto Shacabku waxa ay ku jireen dhibaatooyin fara badan” ayuu yiri taliyuhu.

Ugu dambeyn Taliye, Caraaye, ayaa xusay in ammaanka waddada uu aad u soo hagaagayo tan iyo intii ay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka billowdeen halkaasi.

The post Ciidanka DFS Oo howlgallo ka wada waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this