Sign in to follow this  
Deeq A.

“Puntland Waxay Bilaabeen in dad ismiidaamiya & Maleeshiyaad nagu soo abaabulaan ” + Dhageyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online)-Somaliland ayaa sheegtay in madaxweynaha Puntland uu abaabulayo maleeshiyaad weeraro iyo ismiidaamin ka geysta deegaanada Somalilad, sida uu shaaciyay wasiirka Difaaca Somaliland.

Wasiirka Difaaca Somaliland Ciise Axmed Yuusuf, oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ciidamada Puntland maalmihii ugu dambeeyay ay sameynayeen falal ay doonayaan inay ku carqaladeeyaan amaanka deegaanada Somaliland.

Wasiirka, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland C/Welli Gaas inuu abaabulay maleeshiyaad loogu talo  galay inay wax u dhimaan amaanka ka jira deegaanada Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool.

Waxaa ugu baaqay waxgaradka kunool degaanada maamulka Puntland in ay si deg deg ah wax uga qabtaan dhibaatada ay Puntland ka waddo gobolka Sool, hadii kale ay qaadi doonaan tilaabada ku haboon.

Marka laga yimaado eedeynta Wasiirka difaaca Somaliland, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo looga hadlayo eedeymaha cusub ee ka yimid Somaliland.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Somaliland.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this