Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Aadankii Hawada ee baabiiyey mashruucii Faleedyaale oo la siiyey kuwii Taleex iyo Wasiir Koore oo… 

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland: Aadankii Hawada ee baabiiyey mashruucii Faleedyaale oo la siiyey kuwii Taleex iyo Wasiir Koore oo…

 aadanka-hawada-iyo-koore-300x169.jpg

Qaadwale hore Aadan Cali Ducaale (Aadanka Hawada) oo ka mid ahaa qaadwaleyaashii Dalka Ingiriiska ee markii laga joojiyey ka soo qaxay ayaa la xaqiijiyey in la siiyey Mashaariic horumarinta Biyaha oo loo qorsheeyey in laga fuliyo Degmada Taleex.

Aadan ayaa Wasiiradii hore ee Biyaha si galaangal ah uga dhameystay Mashruuc hore oo loogu talo galay War laga qodayo degaanka Faleedyaale oo 100 000 dollar Maraykanka ku kacaysay, kaas oo aan waxba laga qaban dhaqaalihiisa la lunsaday.

Waxaa layaab kale noqotay in Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore isaga oo og rikoodhkii iyo xogtii hore ee Aadan iyo mashruucii Faleedyaale uu mar kale qalqaaliyo in Aadan gacanta loo geliyo 190 000 doolar oo canshuurtii shacabka Somaliland laga soo ururiyey ah.

Taas waxaa dheer oo fajac iyo niyad jab ku riday hayadaha Samafalada iyo ururada Maxaliga ah ee ka hawl gala Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn in Wasiir Saleebaan Koore uu subaxii la jarmaado Aadan oo Wasaaradaha iyo Hayadaha ka codsado in wixii Mashaariic ah ee Degaamadaas laga qabanayo la siiyo, isagoo bixinaya damaanad qaad buuxa.

Tan iyo bilowgii bishan Wasiirada Xukuumada Somaliland ayaa waxay ka baqsanaayeen isbedel la sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu Golihiisa ku sameynayo, taasoo bedeshay qaabkii Wasiiradu u shaqayn jireen, iyagoo badankoodu ku jira xamaam urursi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this