Sign in to follow this  
Deeq A.

Miisaaniyada JSL ee 2019 Maxaa looga reebay Kirooyinkii ka soo xaroonaayey Dekeda Berbera iyo Madaarka Berbera..?!

Recommended Posts

Deeq A.   


Waqtigii Xukuumada kulmiye ay xukunka dalka haleeshay waxaa Miisaaniyada qaranku aheyd $ 50 million oo dollar oo barakeysan. Sanadihii 2012 iyo 2013 way sadex laabeen oo waxay ka dhigeen $170 million dollar oo male awaal ah, sanadkii 2014 waxay ku odoroseen $ 212 Million dollar oo cilmi feleg ah. sanadkii 2015 way sii shaasheeyeen oo waxay ku sii bishileen $ 251 Million dollar. Boowe ! Waxaa soo aduun la sedex laabay , la afar laabay oo Caasimada Hargeysi ay weli ka biyo la’dahay wax macne leh oo maadi ah may sameyn, waxaa keliya ee laga hayaa ama ka muuqda dalka oo dhan waa deyrar yar yar oo la wareejiyey iyo daaraha laba Wasaaradood oo keliya waayo inta kale dhismeyaasha wasaaradaha waxaa in oo dhisay hayadaha caalamiga ah.

Sanadkii 2016 ayaa isna xukuumadii X-kulmiye ku hadaaqday in boqolkiiba13% ay kordhiyeen miisaaniyadii dalka iyaga oo ku odorosay miisaaniyada sanadkaas lacag dhan: $298 Million Dollar, hada waa Xukuumadii ku caanka baxday ” maal urursiga, cadaalada leexatay iyo cashuur la lunsaday”. Sanadkii 2017 Waxay miisaaniyada ku qiyaaseen hadana lacag dhan $362 million dollar. Sanadkan sii dhamaanaya ee 2018 ayey Xukuumada MBA miisaaniyada ku falkiyeen lacag dhan:168,7000.000.00 SL / shilling. Maantana waxaynu markhaati ka noqonay Sanadkan cusub ee soo socda ee 2019 in ay miisaaniyada qaranka ku soo biyo dhiijiyeen lacag dhan : 2,234.320.463.251 SL / Shilling. kuye ! Waxay miisaaniyadani ka badan tahay tii kal hore 8% iyada oo aan la arag lana maqal goob xisaab xidhkii miisaaniyada sanadka 2018 lagu soo badhigay….Yaab !!

Iyada oo lawada ogyahay in aanu qarankan Somalilaan laheyn “Gunti Giijis Dhaqaale” iyadoo aanu dalku laheyn xog, xaqiiq iyo xiliyo isku sar go’an, iyada lawada ogyahay in qorshaha ansixinta miisaaniyadu yahay qorshe wadareed mug leh oo waqti badan u baahan ayaa Xukuumadu caadaysatay in duuduub mar kasta loogu ansixiyo Miisaaniyad aan laga doodin oo aan ku iman maskax tuujin iyo macne cokan, iyada oo weliba ah miisaaniyad cilmi feleg ah oo aan muud iyo miisaan isku sar go’an laheyn, markaad eegto sida wasaaradaha iyo hayadaha dawlada loogu qaybiyey, bal u fiirso sida mashaariicda gobolada loo kala fadilay.

Waxaa ummadda fajaciso iyo yaab ku noqotay Wasaaraddii Waxbarashada ee ugu baaxada weyneyd uguna shaqaalaha badneyd dalka oo shaqaalaheedu qaadhaayo 37.8 % marka lagu sar gooyo shaqaalaha JSL oo ku soo aruray tiro koobkii ka dib 14,057 qof, ayaa Miisaaniyada loogu daray lacag dhan 71 Bilyan oo SL/Shilling ah halka Wasaaradda Maaliyada oo shaqaalaheedu yahay 9.6 % , miisaaniyada loogu daray lacag dhan 242 Bilyan Sl/Shilling. Waxaa iyana fajaciso iyo yaab shacabka ku noqotay markii wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqanka oo shaqaalaheedu uu yahay 3.9% oo keliya Miisaaniyada loogu daray lacag dhan 44 Bilyan Sl/shillings taas oo ka badan labada wasaaradood ee nolosha shacabka wax ka bedeli lahaa sida Wasaaradda Beeraha oo miisaamiyada loogu daray 17 Bilyan Sl/shilling iyo Wasaaradda kaluumaysiga iyo xanaanada xoolaha oo miisaaniyada iyana loogu daray lacag dhan 28 Bilyan Sl/Shilling .

Waxaynu wada og nahay in qarankan yar ee raad qaadka ah ee raranka maanta saarani aanu laheyn Turuq ama (Jump start) ama gun-dhig uu isku taago si aanu u-liicin, ululmin oo aanu uga-lumin tubtii toosneyd ee loogu talo galey, Hadaba Jugtii lagu istaadhi lahaa dhaqaalaha yar ee Somalilaan ayaan ku jirin Miisaaniyadan male awaalka ah ee 2019, Waayo Waxaa ka maqan miisaaniyadan lacagahan hoose oo aan ummadda weli loo cadeyn asbaabaha looga reebay miisaaniyada lacagahan tirada badan sida :

1-Kirada Madaarka Berbera oo saldhig ciidan ay ka dhigatay dawlada imaaraatiga laguna kireeyey lacag dhan $300 million doollar
2- Kirada Dekeda Berbera oo lagu qiyaasay lacag ka badan $6 Million dollar iyo weliba faa’idada laga helay Dekeda sanadkiiba mar oo noqonaysa 10 % .
3- Lacagta ka soo xaroota Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, maadaama dawladu la wareegtay, lacagtaas oo lagu qiyaasay $24 million dollar sanadkiiba
4- Lacagaha u qoondeysan in ay xukumadu soo daabacato sanadka 2019, maadaama kulmiye lagu yaqaan lacag daabacashada sicir bararka inoo keenay.
5- Lacagaha kor loogu soo qaadayo Baanka Dhexe ee JSL oo imaaraatigu uu balan qaaday inuu bixin doono maadaama sanadkan dhamaaday ee 2018 uu bixiyey.

Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay shacabka JSL u soo bandhigto xisaab xidhka miisaaniyada sandankan dhamaaday ee 2018, kaa soo laga filaayo in uu ahaado xisaab xidh ku saleysan Qorsheyaashii Horumarineed ee Qaranka Somalilaan lagu horumarinaayey ee loo bixiyey qorshaha horumarinta higsiga qaranka ee ( NDP 2) .
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this