Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid kamid ah shaqaalaha wasaaradda Diinta & Awqaafta oo Muqdisho lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga mid kamid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho.

Macalinta la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Oongooye, kaasi oo kamid ahaa macalimiinta Jaamacadda DAHA ee magaalada Muqdisho, waxaana baxsaday kooxaha dilka geystay.

Wararka ayaa sheegaya in macalinta lagu dilay agagaarka Haanta Dheer oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana lagu hor dilay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Haanta dheer.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Macalinta uu la shaqeynayay wasaaradda Diinta iyo Awqaafka ee xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa xaqiijiyay in dilka ninkaan, waxaana uu tacsi u diray Ehelkii uu ka geeriyooday.

Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa xaqiijiyay in dilka ninkaan, waxaana uu tacsi u diray Ehelkii uu ka geeriyooday.

Lasoco waxii kasoo kordhaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this