Sign in to follow this  
Deeq A.

Burundi Oo ka hortimid in Soomaaliya ay kala baxdo Ciidamadeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Bujumbura ( Sh. M. Network )-Dowladda Burundi ayaa ka hortimid dalabkii Ururka Midowga Africa ee ku aadanaa in ay 1000 Askari oo ka tirsan Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, horaanta sanadka cusub ee 2019.

Afhayeenka Milatariga Burundi Col l Floribert Biyereke ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay dowladda ugu baaqayaan in Ciidamada qoonda ahaan ku aada marka ay timaado qorshaha howlgalka Midowga Africa in ay xaq u leeyihiin qeybta ku soo aada ay Ciidamadooda ka soo saaraan Soomaaliya, halkii Ciidamada Burundi kaliya si gaar ah loo bartilmaamedsan lahaa.

Khilaaf xoogan ayaa ka dhex taagan dowladda Burundi iyo sidoo kale Midawga Africa, kaas oo ka dhashay, kadib markii gudgoomiyaha Ururkaasi Muuse Maxamed lagu eedeEyay in uu taageero mucaaradka dalkaasi Burundi.

War kasoo baxay Midowga Africa dhawaantani ayaa looga dalbay Burundi in ay 1000 Askari oo ka mid ah Ciidamadeda Soomaaliya ay la baxdo, ugu dambeyn 28 bisha Feberaayo ee sanadka 2019 –ka. taas oo ay haatan ay ka biyo diiday.

Burundi ayaa ah dalka labaad ee Ciidamad ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas  5400 oo Askari, halka Uganda  ay ka joogaan 6000 oo Askari.

The post Burundi Oo ka hortimid in Soomaaliya ay kala baxdo Ciidamadeeda appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this