Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS Oo sheegtay in 2019-ka la kordhinayo Xujeyda Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyaadh ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa dalka sacuudiga waxaa uga bilowday booqasho rasmi ah oo uu maalmo kujoogi doono halkaasi.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa sidiirran u qaabilay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir Bintin, iyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Xajka & Cumtrada Dr. Cabdilfataax Mashaad,

Masuuliyiintan ayaa yeeyashay kulan saacado qaatay waxaana looga wada hadlay Arrimaha Xajka, iyadoo Wasiirka Awqaafta XFS  laga dhageystay warbixinno kusaabsan arrimaha xajka sanadkii hore sida ay ahayd, waxyaabihii ka dhinaa iyo faa’iidooyinkii lagaaray.

Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku hishiiyay in tirada dadka soomaaliyeed ee sanadka soo socda xajin doona lagu daro, Labo kun iyo Labo Boqol (2,200 ) oo xaaji, taas oo ka dhigan in tirada xujayda Soomaalida sanadkan noqota Kow iyo Toban kun iyo Shan Boqol (11,500 ) oo Qof, halka sanadkii hore ay aheyd, Sagaal kun iyo Sedex Boqol (9,300 ) oo Qof, sida uu sheegay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur ayaa sidoo kale sheegay in la isla-gartay in aad loo wanaajiyo adeegyada la siiyo soomaalida, haddey ahaan lahayd, deegaannada gaadiidka  iyo cunnada intaba, iyadoo lagu ballamay in lada-dajiyo soo saarista Fiisayaasha xajka iyo adeegyada kale ee xajka.

The post XFS Oo sheegtay in 2019-ka la kordhinayo Xujeyda Soomaaliyeed appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this