Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa laga bartay Qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxyadii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa markale muujiyay fariinta amni daro ee ka jirta magaalada Muqdisho, iyadoo laamaha amaanka ay wadeen baaritaano joogto ah.

Qaraxyadii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 20 ruux iyo dhaawac intaasi ka badan, waxaana dadka ay ahaayeen kuwo shacab ah oo ku sugnaa goobaha la qarxiyay.

Qaraxyadii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga bartay dhowr arin oo u baahan in aad looga feejignaado, marka la eego sida qaraxyada ay u dhaceen.

Qaraxa Koowaad ayaa geystay qasaaraha ugu badan, maadaama uu ka dhacay goob ad u mashquul badan oo ah isgoys ay ku kulmaan gaadiidka kasoo baxa madaxtooyada, kuwa galaya iyo kuwa doonaya inay u leexdaan dhanka Tiyaatarka.

Waxaa laga bartay in sahlashada baaritaanka gaadiidka ay wali halis ku tahay amaanka magaalada Muqdisho, maadaama la og yahay in gaarigaasi uu ugu yaraan soo maray labo ilaa seddex bar ilaalineed “Conrtol” oo ku Muqdisho ku taala.

Tusaale haddii uu gaariga ka yimid dhanka Jubba Wuxuu soo mari karaa labo Bar ilaalineed oo ah Jubba iyo Daljirka Dahsoon, haddii uu ka yimid dhanka Xamarweyne wuxuu mari karaa hal meel oo ciidamada gaadiidka ku baari jireen oo ah agagaarka hotelka Naasahablood 2.

Waxyaabaha laga bartay ayaa ah inay wali Al Shabaab adeegsadaan qaraxyada labada gaari lagu sii diyaariyo, si marka Qaraxa koowaad uu dhaco midka labaad lala eegto dadka goobta iskuugu yimaada, waxaana muuqata in wali shacabka aysan arintaasi ku baraarugsaneyn.

Sidoo kale waxaa wali taagan caqabada ciidanka iyo Shacabka dhexdooda ah, maadaama shacabka ay adag tahay in laga celiyo goobaha qaraxyada ay ka dhaceen oo marlabaad halis kale ay ka imaan karto.

Arinta isweydiinta Mudan ayaa ah labadii ruux ee lagu qabtay gaarigii labaad ee ku qarxay Daljirka Dahsoon midkood waxaa la sheegay inuu watay gacanka ciidamada ku wada hadlaan oo uu wax ka hagaayay, waa Su’aale siduu ku helay looguna diyaariyay inuu wax ku hago.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this