Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kusoo kordhay khasaaraha qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhay tirada dadkii waxyeelada ay shalay kasoo gaartay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo adeegsaday labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyay.

25 Ruux ayaa la sheegay inay sii mareyso tirada dadka ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo masuuliyadiisa ay sheegteen Al Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya.

Dad dhaawacyo halis ah ay gaareen ayaa la sheegay inay dhaawacyada u dhinteen, waxaana xalay dhaawacyada la dhigay xarumaha Caafimaadka kormeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dadka shalay qaraxyada ku dhintay waxaa ku jiray ruux bartiisa Facebook kusoo qoray inuu qaraxii koowaad ka badbaaday balse ku dhintay qaraxii labaad ee ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa u balanqaatay dadka dhaawacyada qaba inay baxnaanin doonaan, kadib markii xalay xili dambe uu kormeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Dowladda Mareykanka, dowladaha Yurub, Midowga Africa iyo Sacuudiga ayaa cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen inay taageeri doonaan dowladda Soomaaliya.

Qaar kamid ah dadkii shalay qaraxyada ku dhintay oo uu ku jiray Wariye Cawil Daahir Salaad ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this