Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa Sababta Uu Isku Casilay Ergeyga Gaarka Ahaa Ee Madaxweyne Donald Trump U Joogay Suuriya?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Sargaal sare oo ka tirsan Mareykanka una qaabilsan dagaalka lagula jiro ururka isku magacaabay dowladda islaamiga ee IS ayaa ka gaabsaday go’aanka madaxweyne Trump uu ka qaatay inuu ciidamadiisa uu kala baxo dalka Suuriuya.

Brett McGurk, oo ah Ergeyga gaarka ah ee mdaxweynaha dalka Mareykanka u qaabilsan isbahaysiga caalamiga ah ee la dagaallanka IS, ayaa wuxuu ka biya diiday go’aanka Madaxweyne Trump uu ku sheegay iney cidamadiisu ka soo baxayaan Suuriya, McGurk oo ku baaqay inuu Mareykanka uu sii wado dagaalka uu kula jiro IS.

Go’aanka Trump uu ka dhawaajiyeyna waxaa daba socotay iscasilaaddi xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka General Mattis.

General Mattis ayaa wuxuu sida oo kale uu ka soo horjeestay in ciidamada Mareykanka ay ka soo wada baxaan dalka Suuriya iyo in la dhimo tirada ciidamada Mareykanka ee joogtay Afqaanistaan.

Australia oo ka qeyb qaadatay duqeyntii Syria
Xal u raadinta Suuriya oo dib uga billaabanaysa Kazakhstan
Mr McGurk oo ah diblomaasi waaya arag ah waxaa xilka hadda uu ka hayey Suuriya loo magacaabay 2015-kii xilligii Maamulka Obama.

Horraanti bishan December oo uu warbaahinta u warramay ayaa wuxuu sheegay “iney doonayaan iney howlgalkooda sii wadaan ilaa ay xaqiijiyaan xasilooni buuxda iney ka abuurantay Suuriya”.
McGurk iscasilaaddiisa muxuu ka yidhi?
Warqaddiisa iscasilaadda oo ay shaaca ka qaadday wakaaladda wararka ee AP, ayuu ku sheegay ururka isku magacaabay dowladda islaamiga ee IS inuu carar uu ku jiro balse aan si buuxda looga guuleysan.

Wuxuuna intaa ku daray ciidamada Mareykanka oo dhan iney Suuriya ka baxaan ay ka dhalan karto halis ah iney IS ay u hesho fiursad ay dib isugu soo abaabusho.

Wargeyska New York Time oo soo xigtay farriin E-mail uu McGurk soo diray ayaa sheegtay inuu farriintiisa uu ku sheegay go’aanka la bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Suuriya “ay argagax ku abuurtay gabi ahaanna ay ka soo horjeedda siyaasadda dalka u yaallo”.

Wuxuuna ugu dambeynti McGurk uu sheegay “inuu amarka cusub ee uu bixiyey madaxweyne Trump uu qaadan karin oo uu ka doorbiday inuu sharaftiisa ilaashado sidaana isku casilay.”

Madaxweyne Trump Muxuu yidhi?
Madaxweyne Trump wuxuu maalinti Arbacada uu ku dhawaaqay inuu 2,000 oo askari oo Ameerikaan ah oo ku sugan Suuriya uu gabi ahaan la soo baxaya isaga oo go’aankiisaasi sabab uga dhigay in IS laga guuleystay.

Ilaa iyo hadda madaxweyne Trump kama hadlin iscasilaadda Mr McGurk uu xilka uu isaga casilay.

Wuxuuna maalinta Sabtida uu madaxweyne Trump markale uu ku adkeystay go’aankiisa ah iney ciidamadiisa ka soo baxaan Suuriya, isaga oo weliba carrabka ku dhuftay in IS laga guuleystay.

Go’aanka madaxweynaha waxaa sida oo kale ka hor yimid xubno sare oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga iyo beesha caalamkaba.

Kooxda Isbahaysiga ee ay Kurdiyiintu hoggaaminayaan iyo Xoogagga Dimuqraadiga ee Suuriya (SDF) ayaa sida oo kale ka mid ah dhinacyada go’aanka madaxweynaha ka so horjeestay iyaga oo sheegay haddii ay ciidamada Mareykanka baxaan Suuriya iney dib iisu soo abaabulayaan kooxda IS.

Mareykanka waxaa dalka Suuriya ka jooga 2,000 oo askari oo Madaxweyne Obama uu dalkaasi ka howl geliyey waloow ay jiraan warar sheegaya ciidamada Mareykanka ka jooga Suuriya iney intaa ka badan yihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this