Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalxa oo Shaaciyay dhibaatada Shaqsiyaadka u dhow madaxda ku hayaan DF & Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay jiraan dad iska horkeena Shababka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in shaqsiyaad ka hoos shaqeeya madaxda dowladda Soomaaliya ay ka dambeeyaan iska hor keenidda Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dowladda.

Walow uusan xildhibaanka sheegin sida ay kaga shaqeeyaan iska horkeenida shacabka iyo dowladda, haddana wuxuu sheegay inay yihiin shaqsiyaad u dhow madaxda oo uu ku tilmaamay inay isla weyn yihiin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shaqsiyaadkaasi aysan qadarin shaqsiyaadka kale ee shaqada ay kala dhaxeyso, isaga oo qoraalkaan soo dhigay kadib qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Dalxa.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this