Sign in to follow this  
Deeq A.

Ducaale iyo Fahad Yaasiin ayaa caddeyn u ah in isla xisaabtan uusan jirin

Recommended Posts

Deeq A.   

Maalin kale oo murugo leh ayaa umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Caasimadda ayey maanta goobjoog loo noqday kaddib labadii qarax ee lagu laayey shacabka.

Labada qaraxa oo ka dhacay meel aan ka fogeyn Madaxtooyada waxaa ku geeriyooday dad badan balse ilaa iyo hadda ma jirto cid Xukumadda ka tirsan oo mas’uuliyeeddda dhabarka u ritay oo waxa ay u muuqataa in sidii kuwii hore maalin ama laba dambe lagu ilaawi doono.

Hadaba weydiinta qof walba doonayo in looga jawaabo ayaa ah, yaa leh mas’uuliyadda oo ay tahay in lagula xisaabtamo?

Laba bil gudohood waxaa ku dhacay afar qarax oo laba ay ahaayeen bishii hore oo lala eegtay Hotel Saxafi oo ay dagan yihiin Xildhibaanno iyo kuwii maanta oo gil gilay magaalada.

Caadiyan haddii amniga sidaas u xumaado waxa uu dhaqanka dowladnimada wanaagsan farayaa in ciddi qaatado eedda oo ay bulshada ka hor leexdaan.

Wasaaradda Amniga?

Wasiirka Amniga ee dowladda mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale tan iyo markii uu xilka qabtay waxaa dalka ka dhacay weerarro bahalnimo ahaa oo uu ugu weynaa kii Zoobe, laakiin halkii uu iska casili lahaa wali waa soo taagan yahay.

Waa caadi in Wasiirka xil jaceyl hayso oo uu doonayo in uu ku sii dhaganaado xafiiska, hase ahaatee, aaway kaalintii Ra’isul Wasaaraha dalka iyo tallaabadii looga fadhiyey?

Waxaa halkaas ka cad in Ducaale aan lagu dhicin iska daa in xilka laga qaadee, xataa waa la quuri la’yahay in Wasaaraddiisa lagu eedeeyo xilkasnimo darrida iyo dayaca Amniga dalka.

Waxaaba ugu daran, iskadaa goobaha kale ee la wareeray, haddii uu damiir jiro waxa uu is casili lahaa markii la wareeray xaruntiisa oo dhulka lala simay.

Shacabka in ay maalin walba xamaal soo taagnaadaan oo ay ooyin ku sagootihiin kuwii ay jeclaayeen waxa ay Xukumadda Kheyre la doorbidday u damqashadooda nin jacleysi iyo mas’uuliyad darro.

Hay’adda NISA

Hay’adda sirdoonka waxay hoos tagtaa wasaaradda amniga iyo wasiir Ducaale, hase yeeshee waxaa madax ka ah Fahad Yaasin. Fahad oo ah agaasime ku xigeenka ayaa xilka agaasimaha haya, maadaama aan weli la beddelin agaasimihii is-casilay.

Ilaa hadda ma qaan meel Fahad Yaasin kusoo bartay ammaanka iyo sirdoonka, iyo halka uu ka helo khibradda uu ku hoggaamiyo hay’adda ugu muhiimsan qaranka Soomaaliya.

Maalin kasta NISA waxay twitter soo dhigtaa qoraalo ay ku sheegto dad lasoo qabtay oo Shabaab ah, haddana weli qaraxyadii sidooda ayay u dhacayaan. Dadka ay sheegto in la qabtay marna lama arko, mana soo bandhigto. Waxaan u fahmay muujin waxqabad aan jirin, ileen qaraxyada kama hortagtee.

Haddii uu jiro xisaabtan dhab ah, waa in la beddelaa Fahad Yaasin iyo Ducaale, haddii kale madaxda dalka ha noo sheegeen in xisaabtanka ku kooban yahay dad gaar ah.

W/Q: Maxamed Xuseen Mataan
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this