Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Weriye  Caana & 3 ka mida shaqaalaha Universal TV oo ku geeriyooday qarax +SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   
cawildahirsaladqarax.jpg?resize=690%2C48

Waxaa qaraxyadii ka dhacay maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday wariye Cawil Daahir Salaad iyo saddex shaqaale ah oo ka hawlgalaayay Tv-ga Universal, xaruntiisa magaalada Muqdisho. 

Wariye Cawil Daahir Salaad iyo saddex ka mid ah Shaqaalaha Tv-ga Universal , ayaa gaari maraayay xilliga qaraxa uu dhacaayay nawaaxiga Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho halkaas oo gaari qarax laga soo buuxiyay lagu weeraray bar kontrol.

Sidoo kale dadka waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxyadaasi waxaa ka mid ah gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax oo dhaawac fudud uu soo gaaray.

Ciidamo ilaalo u ahaa gudoomiye Tuulax, ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaasi kuwaasi oo gaaraya illaa 5 askari, sida wararka ay sheegayaan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xildhibaan Warsame Joodax dhaawac fudud uu soo gaaray, maadaama uu isna goobta uu maraayay xilliga qaraxa uu dhacaayay.

cawildahirsalad1.jpg?resize=690%2C518cawildahirsalad2.jpg?resize=690%2C518

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this