Sign in to follow this  
Deeq A.

Burbur xoogan oo ka muuqdo waddo ay adeegsadaan madaxda DF una Dhow Villa Somalia (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Burbur Xoogan ayaa ka muuqdo waddo ay inta badan adeegsadaan madaxda dowladda Soomaaliya oo dhowr Talaabo u jirta madaxtooyada Soomaaliya.

Wadada oo ah isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho ayaa burbur xoogan uu ku yimid kadib markii ay badatay wasaqda iyo biyaha lagu daadiyo wadadaasi oo inta badan ay adeegsadaan madaxda marka ay ka duulayaan garoonka Aadan Cadde.

Biyaha lagu soo daadiyo ayaa waxa ay sababeen in bartamaha isgoyska uu boholo yeesho oo ay biyaha fadhiistaan, waxa ayna boholhaasi saameyn xoogan ku yeesheen gaadiidka kala duwan ee wadadaasi isticmaala.

Sagaalkii June ee sanadkaans ii dhamaanaya ayaa wadadaasi xariga laga jaray iyadoo dhisme lagu sameeyay, mana jirin cid isku xilsaartay inay ka ilaaliso wasaqda ay dadka deegaanka kusoo shubaan.

Marka laga soo tago in wadadaani ay shacabka ku dhib qabaan waxa kale oo xusid mudan in amni darro ay ka dhalan karto, maadama ay sahlantahay si fudud waxyaabaha qarxa loogu aaso maadama ay burbursantahay oo ay boholo leedahay.

48388891_589050528200931_121821790958780 48389631_348179269309908_661046519842157 48393266_776584832702937_565550794060228 48393599_1945043542469230_21913587661532 48416021_362283221250849_145802087161973 48422482_346944079432209_748286747680020

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this