Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika Oo Burundi u Sheegay Inay Soomaaliya Kala Baxdo Kun Askari

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Afrika ayaa dalka Burundi ka dalbaday inay dhimmaan ciidamada nabad ilaalinta ee ka jooga gudaha Soomaaliya, waxaa loo sheegay inay 1,000 askari kala baxaan, taasi oo qeyb ka ah hannaanka ay ciidamada midowga Afrika uga baxayaan Soomaaliya.

Midowga Afrika oo isticmaalaya Dukoment diblomaasi ah oo ogaysiis afka ah ayaa ka codsaday Burundi inay dhimmista ciidamada ay dhameystiraan February 28, ee sanadka soo socda.

AMISOM waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 21,500 oo ciidamo ah, kuwaas oo shaqadoodu tahay inay taageeraan dowladda federaalka ah .

Burundi  waa dalka 2aad ee ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha Soomaaliya, oo waxaa u joogaa 5,400 halka Uganda ka joogaan 6,200, dalal kale waa Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this