Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadin Soomaaliyeed Oo lagu dilay dalka Bangladesh

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhanka ( Sh. M. Netwotk )-Wararka laga helayo Bangladesh ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay Muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay gudaha dalkaasi.

Dilkan oo ay fuliyeen kooxo ku hubeysan Toorreeyo ayaa la sheegay in uu ka dhacay bartamaha magaalada Dhaka ee Caasimadda dalka Bangladesh.

Marxuumka la dilay ayaa ahaa Wiil Dhalinyaro ah wax ka baran  jiray Bangladesh, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan dilka Muwaadinkaasi Soomaaliyeed.

Balse Booliska ayaa wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dilkaasi iyo waxa sababay intaba.

Bangladesh waxaa ku nool Dhalinyrad badan oo Soomaali ah, kuwaas Waxbarasho u jooga gudaha dalkaasi.

The post Muwaadin Soomaaliyeed Oo lagu dilay dalka Bangladesh appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this