Sign in to follow this  
Deeq A.

Gu’jir: Amniga iyo wadajirka hala ilaaliyo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1542010567618.jpg?resize=720%2C48Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Gu’jir

Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gu’jir) oo saaka la hadlay warbaahinta Puntland Post, ayaa bulshada gobolka Nugaal ugu baaqay, in si wadajir ah looga shaqeeyo amniga iyo xasiloonida,xilli ay maalmo kooban ka harsan yihiin doorashada madaxtinimada Puntland ee ku muddaysan 8Jennaayo 2019.

Guddoomiyaha ayaa sheegay, in amnigu yahay mas’uuliyad-wadareed oo looga baahanyahay qof kasta in uu kaalintiisa ka qaato,islamarkaana la adkeeyo wada-shaqeynta shacabka iyo hay’adaha amniga,iyadoo wakhtigan muhiimka loo diyaar-garoobayo doorashada madaxtinimada Puntland.

Mudane Gu’jir wuxuu sidoo kale adkeeyay, in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka bulshada,isagoo ku baaqay in wada-hadal iyo tanaasul lagu dhammeeyo wixii khilaaf iyo kala ra’yi duwaan ah ee yimaada wakhti-xaadirkan.

Dhimaca kale guddoomiye Gu’jir ayaa sabtida  maanta ah kulan la qaadanaya, qaar kamid ah madax-dhaqameedka gobolka Nugaal iyo saraakiil ka socota hay’adaha amniga oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka sugaya amniga doorashada Sarreeye Gaas Cabdirisaaq Siciid Diiriye oo sidoo kalena ah taliyaha PMPF.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Gu’jir: Amniga iyo wadajirka hala ilaaliyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this