Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Booliska Beledweyne oo soo saaray amaro horey kaga dhaqan geli waayay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online)-Taliska ciidamada booliska Magaaada Beledweyne ayaa soo saaray amaro cusub oo la doonayo in laga dhaqan geliyo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Amaradaasi ayaa ku wajahan dadka heysta gaadiidka lagu dahaaray muraayadaha Madow iyo mootooyinka Bajaajka ee lagu qurxiyo daahyada, kuwaasi oo ku badan magaalada Beledweyne.

Taliyaha Saldhiga Booliska Beledweyne Gaashaanle dhexe Maxamed Macow ayaa si cad u sheegay in amarkaasi la doonayo in si dhaqso ah loo dhaqan geliyo, maadaama gaadiidkaasi dhibaatooyin badan dadweynaha ay ku qabaan.

Wuxuu sheegay in Bajaajta leh daahyada iyo gaadiidka yaryar ee leh muraayadaha Madow in lagu sameeyo dhibaatooyinka ka dhanka ah amaanka, isaga oo sheegay in kooxaha burcadda ay ku dhuuman karaan.

Horay ayaa maamulka Gobolka Hiiraan iyo laamaha amniga gobolkaas ay u soo saareen amaro noocaan oo kale ah, hayeeshee ma noqon kuwo dhaqangala.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay in muddo kooban kadib ay sameyn doonaan howlgal ka dhan ah gaadiidka muraayadaha madow leh iyo mooyinka, isaga oo sheegay dadkii fuli waaya amarka in xabsiga la dhigi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this