Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska CXD oo ka codsaday Macaawiisley inay markale la dagaalamaan Al Shabaab hal arin darteed

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Taliska ciidamada qeybta 27 aad oo tagay magaalooyin ka tirsan Shabeelaha Dhexe ayaa codsi u diray ciidamada macaawiisleey oo ah ciidamo is abaabulay oo kusugan Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidamada xooga dalka  Korneyl Maxamuud Koronto ayaa shaaciyay in ciidamada Macaawiisleey ay ka taageeri doonaan dhamaan waxyaabaha ay doonayaan si ay ula dagaalamaan Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in hal arin darteed ay kaga codsanayaan macaawiisleey dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, taasi oo uu ku sheegay inay iyaga si wanaagsan u yaqaanaan Al Shabaab, deegaanada ay kaga sugan yihiin Shabeeaha Dhexe iyo qaabka loola dagaalamo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kooxdaan ay Al Shabaab ka ceshanayaan Ceelashooda iyo xoolahooda, sidaasi daraadeedna ay ka taageeri doonaan wax walbaa oo ay u baahdaan, kadib markii uu kula kulmay deegaan hoos taga degmada Cadale.

Sareeyo Guuto Maxamuud Koronto ayaa tilmaamay in la is bari doono Ciidamada Dowladda ee ka howlgala Deegaanada Hir-Shabeelle iyo Kooxda Macawiisley, taliska Ciidanka Xoogga Dalkane ay ku wargeliyeen in Xuquuq lasiin doono, sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiil katirsan Kooxda macawiisleey ee ka dagaalanka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa  sheegay in si iskood ah ay isku abaabuleen, kadibne ay go’aan ku qaateen in ay la dagaalamaan Al-Shabaab, walina ay la dagaalami doonaan Al Shabaab xitaa haddii ay taageero waayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimaa@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this