Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxwaynaha Jabuuti oo soo dhaweeyay isbedalka G/Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ammaanay doorka fir-fircoon ee uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaga jiro nabadda iyo is-dhexgalka dalalka Geeska Afrika.

Geelle oo ka hadlay kulan sadex cisho socday oo ay yeesheen safiirro reer Jabuuti ah iyo diblomaasiyiin sare, oo maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Jabuuti, ayaa si wayn usoo dhoweeyay is-beddelka cusub ee Bariga Afrika.

Talaabadani ayuu cod dheer ku qeexay in ay xal ka geysan karto shaqaaqooyinka ka dhex taagan qaar ka mid ah Qowmiyadaha ku dhaqan Bariga Afrika iyo is-afgaradka laga gaaro xiisadaha jira.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayuu uga mahad-celiyay kaalintiisa ku aadan nabadeynta iyo xasilinta gobolka oo muddo colaad iyo is-riix-riix siyaasadeed oo qaramada dhexdooda ah ay taagneyd.

Ugu dambeyntii, Mar uu soo hadal-qaaday xiisada wadankiisa kala dhaxeysay Eritrea oo ay isku haystaan Dhul soondinta labada dal ku yaala ayuu Madaxwayne Geelle carabka ku dhuftay inay dedaalada socda u abuureyso is-dhexgal.

The post Madaxwaynaha Jabuuti oo soo dhaweeyay isbedalka G/Afrika appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this