Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Itoobiya Oo Ansixiyay Aasaasida Ciidamadda Badda .

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis-ababa) Barlamanka Itoobiya ayaa meel mariyay sharciyo cusub oo qaarkood wax laga bedelay waxaa ku jira dhismaha ciidamada badda ee dalkaas.

8CA5CD22-3FEA-4BBE-A762-A7FB0C35B4F9.jpe

Baarlamanka ayaa ansixiyay wax ka badalka hindise sharciyeed wax looga badalayo xeerarkii lagu sameeyay ciidanka xoogga, iyadoo isla markaana dhinaca kala la dhisay guddiga xuduudaha.

Sharciyada cusub ee baarlamaanka ansixiyey waxaa ku jira aas-aasidda ciidamada Badda, ciidanka Space-ka ama hawada sare iyo sidoo kala kuwa dhinaca dagaalka Internetka.

Itoobiya oo aan laheyn xeeb ayaa dhowaan shaacisay iney saldhigyo milateri oo dhinaca badda ah ka dooneyso iney ka sameysato xeebaha Somalia.

Itoobiya ayaa wadahadalo arintaas la xiriira la furtay dowlada Somalia inkastoo aysan jirin wax heshiisyo ah oo weli arintaas laga gaaray, waxaana damaca Itoobiya ee xeebaha Soomaaliya uu ahaa mid muddo dheer soo jiray, waxaana go’aanka ay Itoobiya ku dhisaneyso ciidamada badda uu shaki badan ku abuurayaa Soomaali badan oo aan jecleyn la macaamilka Itoobiya sababo la xiriira colaadii horey u dhexmartay labada

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this