Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso:-Marxaladihii ay soo mareen Booliska Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 20,kii Diseembar sanadkii 1943kii, waana kan ugu faca weyn Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana lagu tilmaamaa hooyada Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo ay jireen qeybaha kala duwan ee Ciidanka ayaa Sanadkii 1971-dii waxaa la abuurey qeybta dab-damiska oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana lagu bilaabay 51 askari oo kaliya.

Dalkeenna waxaa uu ku lahaa goobo tababar sida Iskoole Bolisia ama Akaademiyadda Booliiska, waxaa tababaro lagu siin jiray dhammaan haatanna lagu siiyaa qeybaha kala duwan ee Booliiska.

Wixii ka horeeyay sanadkii 1991kii iyo burburkii dowladdii Jaalle Siyaad, waxaa Booliiska Madax ka noqday Shakhsiyaad caan ah oo Soomaali ah sida: Maxamed Abshir, Qoorsheel, Xuseen Kulmiye, Gen. Jamac Maxamed Qalib, Cabdulahi Maxamed Xasan(Matukade), Aden Cabdi Kukay, Axmed Jamac Muse iyo Cabdiraxman Guulwade.

WAAJIBAADKA CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED.

Waajibaadka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa ka mid ah:-

1- Sugidda Nabad Gelyada Gudaha. 2- Ka hortegidda wixii nabadgelyo xumo keeni kara. 3- Ilaalinta sharciga dowladda iyo hantida qaranka iyo caddaaladda bulshada, isagoo la shaqeynayo bulshada iyo hay’adaha caddaaladda.4- Ka qeybgalka difaaca dalka, isagoo garabsanaya Wasaaradda Gaashaan-dhigga iyo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed.

QAAB DHISMEEDKA CIIDANKA.

Ciidanka booliiska soomaaliyeed, wuxuu leeyahay qaab dhismeed guud oo kala ah:Taliyaha, Taliye xigeenno, Hoggaano, Qeybo, Saldhigyo, iyo Laamo.

Hoggaannada Ciidanka waxay kala yihiin:-

1- HOGGAANKA Ciidanka, 2- HOGGAANKA Maalyadda, 3- Hoggaanka Saadka, 4- Hoggaanka Nabadgelyada waddooyinka, 5- Hoggaanka Tababarrada, 6- Hoggaanka Caafimaadka, 7- Hoggaanka Gaadiidka, 8- Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha, 9- Hoggaanka Isgaarsiinta, 10- Hoggaanka Dhismaha, 11- Hoggaanka Baarista Dembiyada, 12- Hoggaanka Howlgelinta, 13- H oggaanka siyaasadda.

LAAMAHA CIIDANKA BOOLIISKA

1- Laanta Baarista Dembiyad, 2- L a a n t a Canshuuraha, 3- Laanta Socotada, 4- Laanta Birmadka Booliiska,

QEYBAHA CIIDANKA BOOLIISKA.

1- Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir, 2- Qeybaha Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe ee ( Kismaayo ).

3- Qeybta Gobollada Baay iyo Bakool iyo Gedo ( Baydhabo ), 4- Qeybta Gobolka Hiiraan (Beled Weyne),

5- Qeybta Gobolka Mudug ( Gaalkacyo ), 6- Qeybta Gobolka Bari ( Boosaaso ), 7- Qeybta Gobolka Togdheer ( Burco ). 8- Qeybta Gobolka Waqooyi Galbeed ( Hargeysa ).

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wuxuu kaloo lahaa dugsiyo tababar iyo xarumo caafimaad waxaana ka mid ahaa:

Akadeemiyada Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waxaana hoos imaanayay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Beledweyne iyo Dugsiga Tababarka Gaadiidka ee Baydhabo.

Isbitaalka Madiina ee Booliiska Soomaaliyeed iyo Xarunta Agoonta Booliiska.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, wuxuu kaloo saldhigyo booliis ku lahaa degmo kasta oo ka mid ah Degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyadoo Tuulooyinkana ay ku lahaayeen Rugo Booliis, gaar ahaan kuwa ku yaalla Xudduudaha aan la wadaagno Dalalka Deriska ah.

Ciidanka booliiska soomaaliyeed waa ciidanka ugu faca weyn ciidamad qalabka sida oo howshiisu har iyo habeen socoto oo aan nasasho lahayn, mar haddii la raaciyay nabadda dalka iyo dadka naf iyo hantiba, waxayna ilaaliyaan sharciga dalka.

Ciidanka booliska soomaaliyeed, wuxuu ka soo qeyb qaatay dagaalladii dalka lagu difaacayay ee 1977kii, iyadoo ay u dheer tahay gudashada wajibaadka sugidda ammniga gudaha iyo u adeegidda bulshada taasina waa midda ka dhigtay booliiska in loogu yeero saaxiibka bulshada ee ogaada wax kasta inyesan dhicin ee fashiliya iyo kala dambeynta.

Ciidanka booliska soomaaliyeed, iyadoo ay u dheer tahay waajibaadkiisa gaar ahaaneed ee ilaalinta nabadgelyada gudaha wuxuuna ka soo qeyb qaatay halgankii gobonnimo doonka, isagoo si hoose ula shaqeynaayay dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ee SYL.

Haddaba maanta waa maalinta Booliiska Sopomaaliyeed uu 75 sano jirsaday, waxaa ayna dhigiyaan xaflado waaweyn, waxaana jira qorshe la doono in dib loogu dhiso dhismaha ciidamada lana gaarsiiyo 32 kun oo Askari, lana gaarsiin doono dhammaan Dalka oo dhan, Waxaan ku amaanayaa Ciidamada Booliska Soomaaliya doorka ay ku leeyihiin hormarka Bulshada iyo amniga, waa geesiyaal xaalado kala duwan oo uu dalka soo maray ku soo shaqeeyay una dhabar adeegay sidii shacabka ay u heli lahaayeen xasilooni iyo kala dambeyn.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxay ka midyihiin Awoodaha Ciidan ee uu qaranka Soomaaliyeed leeyahay waxuuna soo maray heerar kala duwan, laakiin maalinba maalinta ka dambeysa wuu soo kabanayaa waxaana rajeynayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaalo dheeraad ah ku bixiso Xoojinta iyo qalabeynta Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, waxaana hambalyo u diray Madaxda ugu sarreeysa Dalka iyo taliyayaasha Ciiidamada, waxana u rajeyneynaa inay sanadkan kiisa ku gaaraan guul iyo horumar, maadama ay yihiin wehelka iyo saaxiibka ugu dhow Shacabka.

The post Akhriso:-Marxaladihii ay soo mareen Booliska Soomaaliyeed appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this