Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan Oo Ganacsade ku dilay Suuqa Bakaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil kooxo hubeysan maanta ay ka geysteen gudaha Suuqa Bakaaraha ee M/Muqdisho.

Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay mid ka mid ah Ganacsatada Bakaaraha, xilli uu ku sugnaa goob uu ku lahaa qeybta Qudaarta ee Suuqaasi.

Raggii ka dambeeyay dilkan aya lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen, dilka kadib.

Ciidamo ka tirsan ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka bilaabay halkaasi.

Lama oga illaa iyo hadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka loo geystay Ganacsadahaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa M/ Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan qaar koodna ay sheegteen Al Shabaab.

The post Kooxo hubeysan Oo Ganacsade ku dilay Suuqa Bakaaraha appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this